Sacuudiga oo berri u dabaal degaya guushii ay ka gaareen Argentina

Published: November 23, 2022
Shares70

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa shaaciyay, in berri oo Arbaca ah ay maalin fasax ah u tahay shaqaalaha iyo ardayda wax ka dhigta dalkaas sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

Ujeedka safaxa ayaa ah si loogu dabaal dego guushii ay maanta ka gaareen dalka Argentina ee tartanka Koobka Adduunka Qadar.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga, go’aankaas ayaa yimid kaddib soo jeedin ka timid, dhaxal sugaha dalkaas ee Maxamed Bin Salmaan.

Xulka waddanka Sacuudiga ayaa tartanka Koobka Adduunka ku bilowday guul taariikhi ah oo ay ka gaareen dhigooda Argentina oo ay ugu adkaadeen 2:1.

Horseed Media