Sacuudiga oo billaabay Ganaaxa dadka aan heysan fasaxa Xajka

Published: June 2, 2024

Hay’adaha Ammaanka guud ee Sacuudiga ayaa billaabay dhaqangelinta la xisaabtanka dadka ku xad-gudbay xeerarka xajka iyo awaamiirta ee lagu qabto iyaga oo aan haysan fasaxa Xajka ee gudaha magaalada Maka, gobolka dhexe, goobaha barakeysan, saldhigga tareenka ee Al-Haramain ee Al-Rusaifah, xarumaha ammaanka.

Muwaadiniinta, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda ee lagu qabto gudaha goobaha Barakeysan ee aan heysan fasaxa xajka ayay laamaha ammaanka ganaax ahaan u qorsheeyeen lacag dhan (10,000) riyaal ah iyo sidoo kale in la masaafuriin doono kuwa ku nool Sacuudiga ee ku xadgudba lagana mamnuuci doono in ay soo galaan Boqortooyada si waafaqsan muddooyinka sharcigu tilmaamayo.

“Waxaa xusid mudan in qofkii lagu qabto isagoo ku xad-gudbiya awaamiirta xajka ay tahay xarig dhan (6) bilood iyo ganaax lacageed oo dhan (50,000) Riyaal, iyo in lagala wareego agabkiisa gaadiidka, iyo masaafurin haddii uu yahay qurba-joogta ka dib fulinta ciqaabta, Waxa ka mamnuuc ah in uu soo galo Boqortooyada si waafaqsan muddooyinka sharcigu tilmaamayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adaha Ammaanka Sacuudiga.

Dhanka kale Hay’adaha Ammaanka ayaa muwaadiniinta la wadaagay fariimmo la xiriira in lagala shaqeeyo soo sheegista kuwa ku xad-gudbaya nidaamka Xajka.