Published: February 14, 2022
Duqeynta oo dhacday maanta oo Isniin ah ayaa lala beegsaday xarun dhulka laga raaco oo ku taal agagaarka wasaaradda isgaarsiinta ee waqooyiga Sanca.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Duqeyn-Sanca-140222.jpg)
Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun isgaarsiineed oo laga maamuli jiray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah oo ku taal magaalada caasimadda ah ee Sanca.
Dadka ku nool magaalada Sanca ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ku taalla agagaarka wasaaradda isgaarsiinta ee waqooyiga Sanca.