Sacuudiga oo Israel sharuud uga dhigay Dal madax-banaan ee Falastiin!

Published: December 5, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in xiriir rasmi ah oo dhexmara Sacuudiga iyo Israel ay ku xirantahay sharuuda ah in la helo Dal iyo dowlad Madax banaan oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta.

Wasiirka Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa warkan ka sheegay shirka Med2020 oo sanadwalba lagu qabto magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo aalada Internetka uga qeybgalay.

Wuxuu meesha ka saaray tuhunka ah in xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Israel uu muddooyinkii danbe sii xoogeysanayo, isla markaana dalka Sacuudiga kamid noqon doono dalalka Carabta ee xiriirka dhameystiran la yeesha Israel, sida heshiiskii dhexmaray Israel, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Sudan.

…Heshiis kasta oo dhexmara Sacuudiga iyo Israel waa lama huraan in saldhig ay u noqoto xaalada Falastiin, waxa kaliya oo aan ku xirnay waa in la helo Dowlad iyo Dal Madax banaan oo ay Falastiiniyiinta leeyihiin, iyadoo la raacayo xaduudihii 1967dii…” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada oo sheegay in go’aankoodaas uusan waxna iska bedalin.

Wadanka Sacuudiga oo ah dalka ugu weyn Carabta uguna awooda badan ayaa horey marar badan usoo jeediyey in Israel iyo Falastiiniyiinta lagu heshiisiiyo dhismaha wadan u gaar ah Falastiin balse Israel ayaa qorshahaasi diidan iyagoo boobay dhul badan oo ay lahaayeen Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale Israel ayaa diidan in Isra’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta wada yeesheen hal dowlad iyo xaquuqsiman taasi oo ay og yihiin in Falastiiniyiinta ka tiro badan yihiin, arrintaasi ayaa ka dhigtay Israel inay hada tahay maamul loo yaqaan (Apart-heid) oo dadka lagu kala sooco issirkooda, iyagoo sheegta in Israel ay tahay dowlad u gaar ah Yuhuuda oo kaliya.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *