Sacuudiga oo khafiifiyey Bandowgii 24ka saac ahaa

Published: April 26, 2020

Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in la khafiifin doono bandowgii soconayey 24ka saac ee la saaray magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, marka laga reebo magaalada Barakeysan ee Makkah.

Magaalada Barakeysan ee Makkah ayaa la sheegay inuu sii saarnaan doono bandowga 24ka saac ah halka magaalooyinka kale laga qaaday bandowga inta u dhaxeysa 9ka subaxnimo illaa 5ta galabnimo.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu dhaqan geli doono 29ka April kuna egyahay 11ka bisha May.

Dalka Sacuudiga ayaa ah wadanka ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee uu haleelay cudurka Covid-19 dalalka Khaliijka, waxaana lagu qiyaasaa tirada cudurkaasi uu ku dhacay in ka badan 16,299 ruux waxaana illaa iyo hada dalkaasi ugu dhintay cudurkaasi 136 qof.

Dhinaca kale dowlada Sacuudiga ayaa hada ka fekaraysa inay gebi ahaan joojiso Xajka sanadkan oo bilaaban lahaa dhamaadka bisha Luulyo (July) si looga hortago cudurka Covid-19, waxaa hada weli xayiraad saaran cumradii dalkaasi loo tagi jiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *