Sacuudiga oo Qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya

Published: April 19, 2020

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha, iyo Beeraha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaar ah u  qaadday cuna qabatayntii xagga dhoofinta xoolaha nool ee saarnaa dalka Soomaaliya.

Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay in ay tahay mid lagu taageerayo suuqyada dalkaasi oo u baahday keenista  xoolo nool oo laga soo iibsado dibadaha.iyada doorka iyo waajibaadka Wasaaradda uu yahay sugidda cunnada, oo ay ku jiraan hilibka cas ee la soo dhoofiyo iyo Xoolaha nool

Wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi,30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dadaalkaasi uu yimid ka dib markii la dejiyay xaalado karantiil ah,isla markaana meesha laga saaray halista cudurada faafa ee xoolaha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *