Sacuudiga oo ugu baaqay Beesha Caalamka in wax laga qabto Israel

Published: May 12, 2021

Boqortooyada Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarada ciidamada Israel ka wadaan dhulka Falastiin.

War kasoo baxay Salaasadii shalay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Israel ku xadgudubtay Masaajidka Barakeysan ee Al Aqsa, isla markaana looga baahan yahay in Beesha Caalamka tilaabo ka qaado falalkan ay ku kacday Israel.

Sacuudiga ayaa sheegay inuu taageero la garab taagan yahay shacabka reer Falastiin, iyagoona sheegay in xalka kaliya ee xiisadan lagu soo afjari karo ay tahay in shacaka Falastiin yeeshaan Waddankooda u gaarka ah iyadoo la raacayo xaduudihii 1967dii, isla markaana Bariga magaalada Qudus ay noqoto caasimadooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *