Sacuudiga oo xabad-joojin ugu baaqay Xuuthiyiinta Yemen

23 March, 2021

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xabad-joojin looga dhawaaqo dagaalka ka socda dalka…

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xabad-joojin looga dhawaaqo dagaalka ka socda dalka Yemen, balse qorshahan ayaa waxaa dhaliilay Xuuthiyiinta Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud ayaa shaaciyey in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta xabad-joojin iyo in dib loo furo Madaarada & Dekadda Xudeydah ee dalka Yemen si gargaar loo gaarsiiyo shacabka.

Balse Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in xabad-joojintan aysan ahayn wax cusub isla markaana muddo sanad ah hadal hayeen Sacuudiga, hase yeeshee dhankooda waxa ay doonayaan ay tahay in gebi ahaan la joojiyo duulaanka militari ee lagu soo qaaday dalka Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in furitaanka Madaarka caasimada Sanca iyo Dekadda Xudeydah ay tahay xaquuq bini’aadamnimo oo ay leeyihiin shacabka Yemen, isla markaana aysan ahayn wax geli kara gorgortan.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale ugu baaqay Sacuudiga iyo Xulafadiisa inay soo siidaayaan 14 markab oo ay heystaan oo gargaar iyo raashin u sida dalka Yemen.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *