Sacuudiga: Xariga 11 Amiir oo Ka Gadooday Lacagtii Korontada iyo Biyaha oo laga goostay!

Published: January 7, 2018

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay maxkamad soo taagto 11 ka tirsan Amiirada wadankaasi oo la xiray kadib markii ay ka gadoodeen sharuucda cusub oo ay soo rogtay dowlada.

Amiiradan ayaa la xiray kadib markii ay buuq ka abuureen Qasriga dowlada ee Al Hakem ee magaalada Riyadh, iyagoo ka careysan in dowlada joojisay lacagtii ay ka bixin jirtay amiirada ee biyaha iyo Korontada.

Kooxdan Amiirada ah ee ka gadooday lacagta laga goostay ayaa la sheegay in hada lagu hayo xabsiga caanka ah ee ku yaal koonfurta Riyadh ee al-Ha’ir.

Waxaa iyaguna weli hotel ku yaal magaaladaasi ku xiran Maalqabeenada ugu taajirsan Amiirada dalkaasi kuwaasi oo uu dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman ku eedeeyey musuq maasuq. Illaa iyo hada labo kamid ah maalqabeenadaasi ayaa lasii daayey kadib markii ay ogolaadeen inay khasnada dowlada ku shubaan min 1 bilyan oo dollar.

Maxamed Bin Salman ayaa doonaya inuu wax ka bedalo kaydka boqotooyada oo hoos usii dhacaya iyadoo horey Boqortooyada lacago badan usiin jirtay kumanaanka Amiirada ah ee dalkaasi.

Dhinaca kale Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in mushaharka loo kordhin doono shaqaalaha dowlada oo sanadkan loogu darayo mushaharkooda lacag gaareysa $267, halka ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka Yemen loogu darayo mushaharkooda in ka badan $1000 dollar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *