Dil aad u foolxun ayaa manta magaalada Muqdisho loogu geystey saddex dhalinyaro ah oo dukaamo ku…
Dil aad u foolxun ayaa manta magaalada Muqdisho loogu geystey saddex dhalinyaro ah oo dukaamo ku haystey xaafadda Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid. Saddexda dhalinyaro ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi markii la toogtey.
Niman ku hubeysan baastoolada oo si qorsheysan ku socdey ayaa dilkan fuliyey.
Sababta dilka ayaa lagu sheegay in dhalinyaradan goobahooda ganacsi ay ku xirteen kaamarada loo yaqaan CCTV, taas oo ah sharci dowladdu soo rogtey. Argagixisada al-Shabaab ayaa aaminsan in kaamardu ay hoos u dhigtey shaqooyinka ay ka dhex qabsan jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtey lacag ururintii ay ka dhex sameyn jireen suuqyada, sidaas darted goob kasta oo u hoggaansanta sharciga dowladda ayey dagaal ku aadeen.
Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa sidaan oo kale oo loo diley.
HORSEED MEDIA