Saddexda farsamo oo ay Al-Shabab u adeegsatay Weerarkii Hotel Hayat

Published: August 23, 2022
Ciidamada Soomaaliya oo sheegay in 30 saacadood kadib ay soo gebagabeeyeen weerarkii Hotel Xayaat

Waxaa soo baxaya xogo badan oo laga ogaanayo qaabkii uu u dhacay weerarkii kooxda Al Shabaab ay ku qaaday hotel Hayat maalmo kahor, iyadoo xogtan laga helayo dadkii goobjoogayaasha ahaa ee ka badbaaday xasuuqa ka dhacay goobtaasi.

Saddexda arrin ee ugu muhiimsan ee laga ogaaday weerarkan oo ka duwanaa kuwii hore ee Al shabaab la beegsan jirtay hotelada Muqdisho, ayaa ahaa;

  1. Qaraxa ka dhacay Hotelka Dushiisa
  2. Qof lagu dhex-daray shacabka baxsanayey oo is qarxiyey
  3. Qarxinta Jaranjarooyinka Hotelka

Qofka isku qarxiyey barxada hotelka:
Weerarka ayaa ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari la dhigay banaanka hotelka.

Waxaa xigay qarax labaad oo uu geystay qof bambaano isku soo xiray kaasi oo isku dhex daray dadkii kala cararay isagoo la sheegay inuu ku dhawaaqayey erayo ay kamid yihiin (I badbaadiya), kadibna isku qarxiyey barxadda hotelka.

Qaraxan ayaa u muuqday mid loogu talo galay dadka barxada ku sugnaa iyo illaalada wixii kasoo haray in lagu laayo.

Al Shabaab ayaa farsamadan qofka is qarxiyey ee dadka lagu dhex daray u adeegsatay weerarkii Hotel Central ee sanadkii 2015.

Kadib qaraxaas barxada ee ninka naftiisa haligay, waxaa gudaha hotelka usoo galay koox kale oo hubeysan oo tiradda dooda lagu sheegay 5 illaa 7 nin oo aad u hubeysan kuwaasi intii aysan gudaha usoo gelin dhismaha goobta kusoo tuuray bambaanada gacanta iyo rasaas, kadibna gudaha u galay dhismaha hotelka oo ay xiligaasi dad badan gudaha ku carareen.

Qaraxa Hotelka dushiisa:
Qaraxan oo muuqaalka laga duubay lagu faafiyey baraha bulshada ayaa la ogaaday inuu ahaa qaraxii ugu horeeyey oo ka dhaca hotelka gudaha maalintii Sabtida, kaasi oo lagu beegay subaxnimadii markii ay ciidamada gaashaan bilaabeen inay koraan qeybta sare ee Hotelka, isla markaana qofka muuqaalkan duubay ayaa ah qof la socday weerarkan, laamaha amaanka illaa iyo hada kama hadlin xogta qofka muuqaalkan duubay oo saarnaa daardheer oo ku dhaw hotelka.

Qaraxan ka dhacay Hotelka dushiisa qeybta sare ee Jaranjarada looga baxo ayaa sida ay khubaradu sheegayso ahaa mid ay kooxda uga danlahayd, in laga hortago in dusha sare ay kasoo galaan ciidamada amaanka.

Qarxinta Jaranjarooyinka:
Al shabaab ayaa markii ugu horeysay farsamadan isticmaalay iyagoo wax ka bartay weeraradii hore ee ka dhacay Hotelada Muqdisho, waxayna arrintan uga hortagayeen in ciidamada gudaha usoo gala hotelka, ay si fudud ku tagi karaan qeybaha kala duwan ee dhismaha oo ay difaac ka galeen kooxda weerarka fulisay.

Sidoo kale qaraxii dusha sare ka dhacay ayaa isaguna ka dhigay dhismaha hotelka mid dusha sare laga xiray, burburinta jaran-jarooyinkana gudahana lagu kala jarjaray dhismaha, irida banaanka horena ay noqotay goob diirada u saaran tahay dagaalyahanada gudaha ku jiray oo dhinaca kale fursad u helay inay dad badan ku dhex dilaan hotelka habiinkii weerarka bilowday ee Jimcihii, kahor intii aysanba imaan ciidamada amaanka oo ay ku qaadatay sida la xaqiijiyey in ka badan hal saac iyo badh inay goobta soo gaaraan.

Illaa iyo hada laamaha amaanka ee dowlada ayaan faah faahin ka bixin, halkii ay ku danbeeyeen kooxdii hubeysneyd ee gudaha hotelka galay oo muddo ka badan 24 saac halkaasi ku jiray.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *