Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya oo mashruuc dhaqaale ka dhigatey dadkeedi

Published: December 4, 2022
Shares38

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Adis Ababa ayaa dhibaato xooggan ku haysa shacabkii Soomaaliyeed ee adeega u doontey, sida ay noo sheegayso xog soo gaartey Horseed.

Dadka dhibaatadada xooggan haysato ayaa halkaas u tegey in ay safar caafimaad iyo mid waxabarasho ku tagaan dalka Hindiya.

Qoraal dhawaan ka soo baxay safaaradda Hindiya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dal-ku-galkii (visa) ay siin jirtey dadka wata baasaboorka Soomaaliya loo wareejiyey Safaaradda ay ku lee yihiin Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Qunsulka Safaaradda haddana ah siihayaha safiirka nin lagu magacaabo Cali Xuseen Attam iyo koox ku xiran, ayey halkaas uga muuqatey fursad uu dhaqaale uga sameyn karo, kadib markii safaaradda Hindiya ay ku xujeysey dadka Soomaaliyeed qoraal ah is-faham ah oo diblomaasiyadeed (note verbale), maadaama dal saddexaad ay ka dalabanayaan fiisada.

Cali Xuseen Attam ayaa Warqaddan ka dhigtey mashruuc, waxaana uu sameeyey wakiilo gaar ah oo bixiya kuwaas oo dadka ka qaata $50 dollar, waxa taas dheer, in wakhtiga lagu helaayo uu ka dhigey 7 maalmood.

Qaar kamid ah dadkii aadka ugu dhibaatoodey ayaa sheegay, in safaaradda Hindiya si wanaagsan ula macaamishey, markii ballanta la qabsado oo ay bixiyaan lacagta Fiisada kadib si degdeg ah dadka shaqadooda loogu fududeeyo, halka tii aan lahayn ay noqotey mid dhibaateysa dadkeedi.

Shacabka ayaa sidoo kale ka cabanaya, in Safaaraddu samaysatey koox u samaysa warqadaha denbi la’aanta ee Boolisku bixiyo, waxaana ay diideen kuwii lagala yimid dalka gudihiisa, taasna ay lacag dheeraad ah ku qaadaan.

Safiirkii hore ee Itoobiya Soomaaliya u fadhiyey Cabdullaahi Axmed Jaamac ilkajiir ayaa laga dhigey wasiir, waxaana meesha hadda haysta ninkan lagu magacaabo Cali Xuseen.

Shacabka ayaa ka dalbadey wasaaradda arrimaha dibaddu in ay soo farageliso xaaladan, dadka warqadda u doontey safaaradda waxaa kamid ah dad aad u xanuunsanaya oo aan qaadi karin dhibaatada

Horseed Media