Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka oo la eedeeyey – DHEGAYSO

Published: January 27, 2017

86 nin iyo 4 qof oo haween ah una dhashey dalka Soomaaliya kuwaas laga tarxiilay dalka Maraykanka ayaa maalintii Arbacada laga dejiyey Garoonka Muqdisho, Dhalinyaradan ayaa muddo ku jirey xabsiyada dalka Maraykanka waxaana ugu danbeyn la isugu geeyey xabsi ku yaala Atlanta ee gobolka Georgia.

Qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa eedeyn culus dusha uga tuurey Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka iyo weliba safiirka Soomaaliya ee Maraykanka fadhiya.

Dhalinyaradan ayaa qaarkod ka galeen dalka Maraykanka xadka uu la wadaago ee Mexico, sanadkii 2015. Ka hor inta aysan Soomaaliya ku yeelan Safaaradda dalkaas ayaa la xiri jirey saddex bilood oo keliya kadibna la sin jirey waraaqo u oggolaanayo in ay shaqeysan karaan. Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa dib loo furey sanadkii 2014 markii u horeysey muddo ka badan 20 sano, halka tan Maraykanka dib loo furey sanadkii 2016.

Cabdifataax Saalax oo kamid ahaa kuwa la soo celiyey ayaa VOA u sheegay in safiirka Soomaaliya uu la haldey isaga oo isticmaalaya Video-link waxaana uu noo sheegay in dalkaan Maraykanka ay uga dhamaatey, loona diyaariyey sharciyadii ay ku laaban lahaayeen, dakii aad ka timaadeen oo nabad ah ayaad ku laabaneysaan ayuu yiri. Saalax ayaa sheegay in safaaraddu fududeysey celitaankooda, laakiin isla maalintii la soo celiyey ay la kulmeen qaraxyo ka dhacay Wadada maka al.mukaramah,

Dalal badan oo kamid ah kuwa qaabila qaxootiga ayaa safiiro u soo dirsadey Soomaaliya si ay ugu sahlanaato in ay dib u soo celin karaan qaxootiga.

Dhegayso

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *