Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo muxuu daaran yahay?

Published: February 14, 2024
Shares10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee jubaland. Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay madaarka diyaaradaha Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in socdaalka Madaxweynaha uu ku salaysan yahay dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya isaga oo dedaal ugu jira meel-marinta Dastuurka oo wax weyn laga beddalay kaas oo siyaasad ahaan si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Horseed Media