Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo la kulmay Wakiilka QM Somaliya.

Published: December 31, 2019

Maxamed Axmed Cusmaan Safiirka Dawlada Imaaraatka u qaabilsan Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, kulanka labada dhinac oo sawiro muujinaya lagu baahiyay barta Twitterka ayaan si faahfaahsan loo sharaxin.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa mudooyinkiii danbe wanaagsanayn, safiirka ayaana mudo hal sano iyo dhawr bilood ah waddanka ka maqnaa, ilo xog-ogaal ah oo Horseed Media ay war ka heshay ayaa tilmaamey in lagu lafa-guray kulanka xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya si gaar ah saamaynta imaaraatku ku leeyahay xiriirka Maamulada iyo DFS.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *