Safiirka Maraykanka Oo Baaq U Diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka

Published: March 21, 2021

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ugu baaqay madaxda dowlada goboleedyada dalka inaysan Muqdisho ka tagin illaa iyo inta heshiis laga gaarayo.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay danjire Yamamoto ayuu kusii adkeeyey war saxaafadeed maanta kasoo baxay Beesha Caalamka, kaas oo ku saabsanaa qabsoomida shir ay isugu yimaadaan madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo laftagareen waa in ay Muqdisho joogaan ilaa heshiis laga gaaro” 

Safiirka Maraykanka, Donald Yamamoto

Shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay qaadaceen qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *