Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaalada ardada Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha.

Published: March 4, 2020

Qin Jian Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ardada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaalada carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaan wacyi-gelin, agab,  iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale.

“Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardada Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus, iyo qalabka looga hortaga, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin” ayuu yiri Safirka Shiinaha

Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi.

In ka badan 90,000 qof ayuu asiibay cudurka Corona-Virus guud ahaan caalamka, waxana hadda u daran Shiinaha, K/Kuriya, Japan, Iiran iyo Talyaaniga, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo cudurkan dunida  oo dhan ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *