Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Cali Cabdi Awaare oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo

Published: June 5, 2024

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mudane Sameh Shoukry.

Ugu horeeyn Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu ka siday Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo sidoo kale u rajeeyey horumar iyo baraare guud ahaan Shacabka Masar iyo madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka kadib, ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay inu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo Labadda dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Horseed Media