Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon isweydaarsi ku saabsan Dhab u heshiisiinta Qaran

Published: July 17, 2024

Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, kuna saabsan Qorshaha hirgelinta Hannaanka Dhab u heshiinta Qaran ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha guud ee Wasaardda Arrimaha Gudaha Caydaruus Macallin Xasan, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah, ddowlad Goboleedyada iyo wakiilo ka socday Beesha caalamka, kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo socon doono muddo lix cisho ah ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa qorshaha hanaanka hirgelinta Dhab u heshiisiinta Qaranka kaasi oo muhiim u ah arrimaha dib u heshisiinta waddanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mustaf Sheekh Cabdullaahi oo ku hadlayay magaca dowlad Gobolleedyada ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin qorshahan, ayna gacan ka geysan doonaan hirgelintisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Caydaruus Macalin Xasan oo ka hadlay madasha ayaa xusay inay soo saarayaan istaraatiijiyad Qaran maalmaha uu u socda kulanka, isagoo tilmaamay inay uga mahadcelinayaan cidkasta oo arintan gacan ka geysatay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo furay aqoon isweydaarsigan ayaa tilmaamay in hirgelinta hanaanka Dhab u heshiisiinta Qaranka uu wax badan ka tari doona dadaalada dib u heshiisiineed ee ay dowladdu waddo, isagoo sheegay in Soomaaliya xilligan ay ku talaabsatay horunar dhinacyo badan leh.