Safiirka cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo la kulmey Madaxweynaha Puntland

Published: July 29, 2023
Shares4

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha Dimuqraadiyadda.

Horseed Media