Sagaal ruux oo u dhintay fayriska ka dilaacay Shiinaha

Published: January 22, 2020

Inta la ogyahay Sagaal ruux ayaa u geeryootay fayriska kusii baahaya dal waynaha Shiinaha, isagoona ku sii fidiya magaalooyin cusub.

Masuuliyiinta waaxda caafimaadka ee dowladda Shiinaha ayaa sheegay in kiisaska feeraskan ay gaarayaan 440 kiis.

Sidoo kale feeraskan ayaa lasheegay in gudaha dalka Shiinaha uu ka gudbay isagoona gaaray dalal ay kamid yihiin Thailand, Japan iyo Koonfurta Kuuriya.

Dowladda Shiinaha ayaana wali awood u yeelan in ay cadeeyaan feeraskan iyo waxa uu yahay iyo waliba sida looga hortagi karo. 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *