Saldhig Boolis oo loogu magac daray -AHN- Gen. Nuur-Salaad ayaa Boosaaso laga furay

Published: February 2, 2012

Xaafada Girible-Ubax ee magaalada Boosaaso waxaa laga furay Saldhig Boolis oo noqonaya kii ugu horeeyey ee xaafadaas iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhowba laga sameeyo.

Saldhigan cusub ayaa loogu magaca daray -AHN- taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland Gen. Nuur Muuse Cali Diiriye (Nuur-Salaad) oo isagu bartamihii sanadkii tegey ee 2011 ku geeriyoodey magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan xarunta dowlada hoose ka dhacay ka warbixiyey sababta xaafadaas saldhiga Booliska loogu sameeyey iyo weliba sababta Gen. Nuur-Salaad loogu magacaabay.

Wasiirku wuxuu sheegay in Saldhigan la dhisay kadib markii la qiimeeyey baahida dhanka amniga ah ee ay xaafadaasi qabto iyo sida ay ugu adag tahay bulshada ku dhaqan inay Saldhigyada kale ee magaalada ku yaala soo gaaraan maadaama ay xaafadaasi tahay mid aad u durugsan.

Mudane Khaliif waxa kale oo uu dadka xaafada Girible-Ubax ugu baaqay in wixii kiisas iyo dacwado ah ay Saldhigaas keenaan maadaama uu yahay mid loo dhamaystiray dhamaan adeegyadii ay xarumaha Boolisku u baahnaayeen si howshoodu ay noqoto mid hufan.

Ugu danbeyntii wuxuu wasiirka amnigu sheegay in saldhigan cusb loogu magac daray -AHN- Gen. NuurMuuse Cali Diiriye (Nuur-Salaad)maadaama uu ahaa ruug cadaa qaranka in badan usoo shaqeeyey islamarkaana ay dowladu garatay si marxuumkaas loo maamuuso in xaruntan Booliska ee cusub loogu magac daro.

Magaalada Boosaaso oo sanado kahor ay ka jireen labo Saldhig oo ay Boolisku leeyihiin kuwaas oo kala ah saldhigga Booliska ee Bartamaha iyo Saldhigga Booliska ee Biyo-kulule waxaa hada ku yaal ugu yaraan 5-saldhig kuwaas oo uu ugu danbeeyey saldhigga Gen. Nuur-Salaad oo shalay xarigga laga jaray.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

Horseed Media

Boosaaso