Saldhigii u weynaa ee al-Shabaab ee gobolka Mudug oo la duqeeyey

Published: September 2, 2023
somalia dorne

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacdey deegaanka Dumaaye oo hoostagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Wararku waxay sheegayaan in Saldhig weyn oo al-Shabaab halkaas ku lahaayeen ay weerar ku qaadey diyaaradaha dagaalka ee Drone-ka, goorta rasmiga ah ee weerarku dhacay lama sheegin.

Warkiika Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku xaqjiiyey warkan waxaana uu yiri: Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yusuf Kulmiye oo la hadley VOA ayaa isaguna xaqiijiyey weerarkan, wuxuu ku tilmaamey saldhiggu in uu ahaa kii u weynaa ee ay ku lahaayeen gobolada Mudug iyo Galguduud, waxaana ay ku xeryn jireen gaadiidka dagaalka, halkaas oo ay ka soo abaabuli jireen dagaalada ay qaadayaan sida uu VOA u sheegay.

Ma jiro ilo kale oo madaxbanaan oo weerarkan xaqiijin kara iyo sida wax u dhaceen.

Dalalka Maraykanka iyo Turkiga ayaa bilihii u danbeeyey duqeyn ka geystey Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ku dileen boqolaal al-Shabaab ah. Dowaldda Maraykanku marar kala duwan ayey ka hadashey sida ay ugu lugleedahay, laakiin Turkiga oo saldhig ciidan ku leh Soomaaliya kama hadlo weerarada ay fuliyaan diyaaradaha drone-ka ah ee ay lee yihiin.

Horseed Media