Saldhigyada Mareykanka ee Yurub oo la geliyay feejignaan dhanka ammaanka ah

Published: July 2, 2024

Taliska Mareykanka ee Yurub ayaa saldhigyo galiyay xaalad feejignaan ah taas oo ay ugu wacan tahay “cabsi dhanka amaanka ah”, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka Isniintii shalay.

“Kama hadli doono arrimaha sirdoonka…laakin waxaa sabab u ah arrimo isbiirsaday oo saameyn ku yeelan kara badbaadada iyo ammaanka askarteena ku sugan Yurub,” ayey tiri afhayeenada Sabrina Singh.

“Taliska Mareykanka ee Yurub wuxuu qaadayaa tillaabooyin lagu kordhinayo feejignaanta ciidamada, qoysaskooda iyo xarumahayaga,” ayay raacisay.

Horseed Media