Saraakiisha FAO iyo Wasaaradda Kaluumeysiga Puntland oo kormeer ku tagay Caluula

Published: February 13, 2024

Maamulka Gobolka Raasi Casayr iyo Maamulka Degmooyinka Caluula iyo Bareeda oo ay weheliyaan wafdi ka socda Ha’yadda FAO iyo Wasaaradda Kaluumeysiga Dawladda Puntland ayaa kormeer ku tagay Jaanka Caluula sidoo kalena bulshada kulan la qaatay.

Waxaa degmadda caluula ee gobolka Raasi casayr soo gaaray wafdi ka socda haa’yadda FAO iyo Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dawladda Puntland iyagoo kormeer ku tagay Jaanka Caluula sidoo kalena kulan la qaatay bulshada kala duwan ee ku sugan degmadda Caluula.

Maamulka Gobolka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha gobolka Raasi Casayr Mudane Cumar Cismaan Siciid, Gudoomiyaha degmadda caluula ahmed maxamed Xasan, Gudoomiyaha degmadda bareeda Casayr Yuusuf Maxamuud iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka ayaa ugu horreyntii wafdiga kulan la qaatay uguna war bixiyay baahiyaha ka jira degmadda oo ay ugu horreyso dhismaha jaanka caluula

Wafdiga oo booqday Jaanka isku xira degmooyinka Caluula iyo Bareeda ayaa qiimeyay marxaladda uu ku sugan yahay iyo sida wax looga qaban karo ayaa sheegay iney ka hirgelin doonan Buundo casri ah oo bulshadu adeegsato

Ugu danbeyntii Maamulka iyo wafdiga ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay bulshada degmadda caluula iyagoo marka hore ka dhageystay baahiyaha ay qabaan ee ay rabaan in laga caawiyo

Bulshada degmadda oo kulan kaas ka hadlay ayaa soo jeediyay baahiyo ay ka mid yihiin in laga caawiyo hirgelinta buundo cusub halka tan hadda la adeegsado ay tahay mid ku meel-gaar ah iyo iney helaan suuq kaluumeysi.