Sarkaal 18 Sanno Ka Hor ay Ugu Dambaysay Puntland oo Garowe Lagu Soo Dhaweeyay

Published: December 23, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr Adam Abdelmoula oo 18 sanno ay ugu dambaysay Puntland

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Ergayga qaramada Midoobay waxa ay ka wada hadleen mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.

Mudane Adam Abdelmoula oo sidoo kale madax ka ah xafiiska Un-ka qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha, hormurka, maamulka iyo bilicda, wuxuu sheegay in isbedelka Puntland sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay. 

Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *