Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo gaarigiisa qarax loogu xiray.

Published: May 28, 2020

Qaraxaan ayaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxa uuna ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya kaas oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmada Xamar-wayne aaga hoteelka Muno, Ciidamada ka ag-dhowaa goobta ayaa la sheegay in ay xabad fureen, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo dawlada ka bixisay qaraxa dhacay iyo khasaaraha rasaastaas ka dhashay.

Balse Warbaahinta gudaha ayaa tebisay in uu halkaas ku geeriyooday sarkaalkii gaarigiisa qaraxa loogu xiray, Muqdisho waxaa bilihii lasoo dhaafay aad u yaraaaday qaraxyadda dhacaya, balse waxaa maalmihii lasoo dhaafay batay dadka ka tirsan dawlada ee gawaaridooda qaraxyadda lala beegsanayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *