Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu diley

Published: October 20, 2024

Laba xidigle Hanad Axmed Muuse ayaa habeenimadii xalay lagu diley hoygiisa oo ku yaaley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la diley ayaa ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxaana uu dalka ku soo laabtey Bishan Oktoobar kadib markii uu dhamaystey waxbrarashadiisa heerka labaad oo uu ku qaatey dalka Turkiga.

Wararku axay sheegayaan in dilka sarklaakan Booliska ah ay ka danbeeyeen ciidamo kale oo isla dowladda ka tirsan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Haramcad ee Booliska.

Horseed Media