Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Dekadda Bosaso oo la dilay

Published: January 4, 2018

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada dekadda Bosaso ayaa lagu dilay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo dilka sarkaalkaasi uu ka dhacay goob mehrad ah oo aan sidaa uga fogeyn dekadda weyn ee magaalada Bosaso.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Xiir, waxaana dilkiiisa la sheegay in ay geysteen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnayd bastoolado.

Dilka sarlaalka kadid ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka magaalada oo baaritaan xoogan ka sameeyey goobta uu dilka ka dhacay, waxayna qab-qbteen dadkii ka akdhawaa goobta.

Taliska qeybta boolika goblka Bari, maamulka degmada Boaso iyo kan gobolka Bari ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada Bosaso.

Maleeshiyada Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *