Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabellaha Hoose

Published: October 8, 2022
Shares28

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shaaciyey in xalay Sarkaal ka tirsanaa UrurkaAl Shabaabiyo 13 kale lagu dilay deegaanka Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Maxamed Nuur Shire uu Shabaabka u qaabilsanaa Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ka hortaggeen isku day ay Al-Shabaab ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka reer Janaale.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka deegaanada qaarkood ayaa dagaal adag kula jira Ururka Al Shabaab, kaas oo ka socda bartamaha iyo koonfurka Soomaaliya.

Horseed Media