Sarkaalkii Miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaabka buuraleyda Golis oo gacanta lagu soo dhigay [Dhegeyso]

Published: February 13, 2012

Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa sheegtay in lasoo qabtay ninkii dhinaca miinooyinka u qaabilsanaa xoogaga Al-shabaab xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda (Cal-madow).

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Saxaafadda uga warbixiyey qaabkii ay qabashada ninkaasi u dhacday.

Wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay weerareen koox Al-shabaab ka tirsan oo ku shirayey deegaan ku yaal buuraleyda Golis halkaas oo ay ku waaberiisteen xilli arooryo ah.

Col. Khaliif wuxuu intaas ku daray in inta badan raggii goobtaas ku sugnaa ay baxsadeen haseyeeshee qaarka gacanta lagu soo dhigay uu ku jiro Axmed-khayr Siciid Maxamed oo ah nin la dhashay Maxamed Siciid (Atam).

Wasiirka amnigu wuxuu sidoo kale sheegay in ninkaasi uu qirtay inuu yahay mas`uulka kooxahaas u qaabilsan dhinaca miino dhigista iyo sameynta walxaha qarxa sida ugu dhakhsaha badanna maxkamad lagu soo taagi doono.

Dhagayaso Codka Wasiirka Amniga

[powerpress]

Khaliif Ciise wuxuu ugu danbeyntii sheegay in ay jiraan haraadiga kooxihii dowladu dagaalka kula jirtey ee deegaanadaas ku sugnaa oo meelaha qaar ku dhuumaaleysanaya islamarkaana ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan.

Waa markii ugu horeysey tan iyo intii uu bilowday sanadka cusub ee 2012 oo ay ciidamada ammaanka ee Puntland howlgal ay sameeyeen kusoo qabtaan mas`uul sare oo ka tirsan xoogaga Al-shabaab xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda u dhow degmada Galgala.

 

Horseed Media