Saudi Arabia: Boqortooyada oo xilkii ka qaaday Taliyayaashii guud ee ciidamada

Published: February 27, 2018

Boqortooyada Sacuudiga ayaa isku shaandheyn ku sameysay Taliyayaasha Sare ee ciidamada kala duwan ee dalkaasi.

Taliyihii Guud ee ciidamada Jeneraal Abdul Rahman bin Saleh al-Bunyan ayaa xilka laga qaaday isagoo loo magacaabay lataliyaha Boqortooyada ee arrimaha Militariga, waxaana xilka Taliyaha Guud loo magacaabay Jeneraal Fayyad al-Ruwaili oo horey u ahaa Taliyaha Ciidamada Cirka.

Waxaa sidoo kale la magacaabay taliyayaasha cusub ee ciidamada lugta iyo difaaca Cirka.

Dhinaca kale markii ugu horeysay ayaa xilka Wasiir kuxigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha loo magacaabay haweenay lagu magacaabo Tamadur bint Youssef al-Ramah, waana markii ugu horeysay oo xilka sare Golaha Wasiirada looga magacaabo qof haween ah.

Qoraalka kasoo baxay Boqortooyada Isniintii shalay ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddoomiyayaasha gobalo iyo degmooyin.

Isku shaandheyntan ayaa qeyb ka ah isbedalada uu dhaxal sugaha wadankaasi Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu ku sameeyo laamaha kala duwan ee dowlada kahor intuusan xilka la wareegin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *