Saudi Arabia: Xuuthiyiinta oo Duqeeyey Madaarka Abha

Published: February 11, 2021

Dowlada Sacuudiga ayaa ku eedaysay kooxda Xuuthiyiinta duqeyn Arbacadii shalay lala beegsaday Abha Airport ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarkan dhacay shalay gelinkii danbe loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka oo lagu qarxiyey gudaha Madaarka, qaraxaasi oo khasaare gaarsiiyey diyaarad, kadib markii uu dab-qabsaday ma jirin khasaare kale sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowlada.

Falkan ayey dowlada Sacuudiga ku sheegtay mid khatar ku ah duulimaadka shibilka isla markaana u aragto danbi dagaal oo ay geysteen kooxda Xuuthiyiinta ee taageerada ka hela dowlada Iran.

Militariga Sacuudiga ayaa Arbacadii shalay sheegay inay sidoo kale soo rideen labo diyaaradood oo kale oo ah nooca droneka, oo la doonayey in lagu duqeeyo gudaha wadanka Sacuudiga.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *