Saxaafadda Kenya oo soo bandhigtey guusha Kenya ee heshiiskii Qaadka Miiraaga

Published: August 1, 2022

Jariirada The Nation ee dalka Kenya ayaa qortey warbixin dheer oo ku saabsan sida dalkoodu uga faa’idey heshiiskii Qaadka lagu fasaxay.

Jariirada oo soo xiganaya masuul Qaadka Miiraaga ka shaqeeya ayaa sheegtay in afartii maalmood ee u danbeysey Kenya u dhoofisey Soomaaliya Qaadka Miirowga oo qiimihiisu gaarayo 220 Milyan oo Shilinka Kenya ah taas oo u dhiganta $1.9 Milyan dollar, maalintii waxay u dhigantaa Nusmalyuun dollar.

Jariirada ayaa sheegtey in arrintaani muujineyso muhimadda uu dhaqaalaha Kenya u lee yahay Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya.

Madaxa iskaashatada Qaadka Miroowga ayaa sheegay in afartii maalmood ee u danbeeyey ay Muqdisho u dhoofiyeen 81.4ton oo Khat ah.

Qiimaha Qaadka hadda la siiyo ayey sheegtey Jariirada Nation in aysan ahayn mid lagu qanacsan yahay Kiilada Miiraaga ah ayaa hadda joogta $23 dollar halka ay ka hayad $25 dollar markii suuqa la joojiyey ka hor.

“Waxaan hadda haynaa miraa badan, waxaanan dabooli karnaa baahida suuqa ee Soomaaliya,”

Mr Munjuri.

Heshiiska lagu fasaxay Qaadka ayaa Soomaaliya sheegtey in ay ku beddalatey in Kenya loo dhoofiyo kalluunka iyo kheyraadka badda iyadana loo soo dhoofin karo, laakiin arrintaas ma ahan mid muuqata.

Khatka ayaa noqdey mid siyaasadda laguha la galay, waxaana hadda loo xirey siyaasiyiin ka ganacsada Qaadka oo ka hela Malaayiin dollar, kuwaasm oo xiriir dhaw la leh Madaxweyne Xasan Sheekh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *