Saxafiyad Amun Abdullaahi oo lagu dhex diley beer ay ku lahayd Afgooye

Published: October 24, 2024

Gabar lagu magacaabo Amuun Cabdullahi, oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo tobanaan sano ku nooleyd dalka Sweden ayaa lagu diley todobaadkan magaalada Afgooye, waxaana lagu dhex diley beer ay ku lahayd halkaas.

Sida wararku sheegayaan, laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd. Xog laga helay boliiska u dhuun daloola dhacdadan ee magaalada Afgooye ayaa sheegay in dilkani uu salka ku hayo dhul/beer ey isku qabsadeen Amun iyo dad kale.

Amun Abdullahi ayaa lagu abaalmariyay sannadkii 2010 biladda xoriyadda qowlka ee lagu xuso Anna Politkovskaja.

Amuun ayaa Afgooye ka samaysey beer waxayna ka dhisatey guryo, iyada oo bilowdey mashaariic dhalinyarada Afgooye soo dhaweeyeen shaqona ka heleen.

HORSEED MEDIA