Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa caawa shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo uu garab taagan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro.
Saylici ayaa si adag uga hadlay xaaladda Somaliland, wuxuuna si gaar ah u eedeeyey Madaxweynihiisa Muuse Biixi oo sheegay inuu ka baxay wixii lagu dhaariyey, dastuurkiina jabiyey.
“ Muuse Biixi dalka laguma sii aamini karo , anigaa dad ugu dhawaaa wixii nalagu dhaariyey, Muuse Biixi wuu ka baxay” ayuu yiri; Cabdiraxmaan Saylici.
Sidoo kale, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Saylici ayaa si cad u sheegay inuu dhisayo musharax Cirro, waxayna talaabadani dhabarjab ku tahay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Soomaliland, Muuse Biixi.
“Waxaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa inay taageeraan isbaddalka socda uu hoggaaminayl xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro” – ayuu yiri; Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Saylici.
Horseed Media