Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa diiday hindise sharciyeedka looga gol leeyahay in lagu hor istaago hubka Mareykanka uu ka iibinayo Israa’iil xilli uu socdo dagaalka Gaza.
Qaraar lagu joojinayo iibinta rasaasta taangiyada ayaa ku guul darreystay in la ansixiyo, 79 senator ayaa diiday, halka 18 senator oo u badan xisbiga Dimuqraadiga ay tageereen qorshahaas la doonayey in lagu cadaadiyo Israel.
Dadka u dooda xuquuqda aadamaha ay sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada in shuruud lagu xiro kaalmada la siinayo xulafadooda Israel.
Labo qaraar oo kale oo lagu joojinayay iibinta hubka ayaa sidoo kale fashilmay kadib markii ay heleen wax ka yar 20 cod.
Senator Bernie Sanders ayaa bishii Sebtembar soo bandhigay qorshe loogu yeeray go’aamada wadajirka ah ee diidmada (JRDs) si ay u diidaan heshiis kaalmo hub ah oo Isreal la siiyey kaasi oo dhamaa $20 bilyan oo uu ansixiyay maamulka madaxweyne Joe Biden.
Waxay ahayd markii ugu horreysay abid oo qaraar diidmo ah laga keeno hub laga iibiyo Israa’iil oo ku tiirsan taageerada Mareykanka.
Horseed Media