Senator hore oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Published: May 26, 2022

Allaha u naxariiste Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid aheyd Baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa goordhoweyd ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Senatorada ayaa muddooyinkii dambe ku xanuusneyd magaalada Muqdisho, ayada oo ugu dambeyntii uu Ilaahay ku oofsaday Isbitaal ay ugu jirtay xaalada caafimaad.

Allaha u naxariiste Marxuumadda waxay kasoo mid noqotay Golihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna aheyd Senator laga soo doorto maamulka Galmudug.

Geerida Senatorada Jawaahir ayaa waxa durba ka tacsiyeeyay siyaasiyiin dhowr ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Axmed Macalin Fiqi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *