Senegal: Hogaamiyaha mucaaradka oo lagu soo oogay dacwad ah in uu abaabulay kacdoon

Published: July 30, 2023
Shares28

Hoggaamiyaha mucaaradka Senegal Ousmane Sonko ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay kacdoon iyo dambiyo kale, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii Sonko, lagu helay eedaymo kale oo anshax xumo ah, waxaana lagu xukumay laba sano oo xadhig ah, tallaabadaas oo kicisay rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay waddanka oo dhan.

Abdou Karim Diop, oo ah dacwad oogaha guud ee Senegal, ayaa u sheegay warfidiyeenka eedeymaha cusub ee ka yimid hadaladii uu Sonko ku dhawaaqay iyo isu soo baxyo uu qabtay iyo sidoo kale dhacdooyin kale tan iyo 2021, oo ay ku jirto dhacdo gurigiisa ka dhacday ka hor inta aan la xirin Jimcihii.

Xarigiisa Jimcihii ayaa ka dambeeyay markii ay gacan ka hadal ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa bannaanka hore ee gurigiisa, kuwaasi oo uu ku andacooday in ay filim ka duubayeen fasax la’aan.

Marka laga soo tago hurinta kacdoonka, eedeymaha cusub waxaa ka mid ah falalka la doonayo in lagu waxyeeleeyo amniga guud iyo abuurista qalalaase siyaasadeed oo halis ah, dambiyo argagixiso iyo tuuganimo.

Horseed Media