Senegal: Rabshado ka dhashay dib u dhigista Doorashada

Published: February 5, 2024
Shares62

Dibad-baxayaasha iyo booliiska ayaa isku dhacay caasimadda Senegal ee Dakar ugu yaraan hal sarkaal oo sare oo mucaarad ah ayaa la xiray Axadii, maalin kadib markii Madaxweyne Macky Sall uu ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Sall oo aan isagu xilka u tartami doonin ayaa u magacaabay Ra’iisul wasaare Amadou Ba oo ka tirsan xisbigiisa inuu noqdo hogaamiyaha bedallaya. Balse Amadou ayaa la sheegay inuusan ka guulyesan karin murashaxiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda.

Codbixinta ayaa loo asteeyay 25-ka Febraayo, Madaxweynaha ma uusan shaacin taariikh cusub, taasoo dhalisay mowjado dhaleeceyn ah oo uga imaanaya hogaamiyaasha mucaaradka iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa horey xabsiga u dhigay hogaamiyaha mucaaridka sida Ousmane Sonko iyo Bassirou Diomaye Faye ee ugu cad cadaa murashaxiinta.

Waxay sidoo kale maxkamada soo saartay in doorashada aysan ka qeyb gelin murashaxiinta mucaaridka ee la xiray iyo kuwa kale ee awooda lahaa, arrintaasi oo ay ka horyimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa baaraya laba Garsoore oo ka tirsan Golaha Dastuurka oo su’aalo la iska weydiiyay hufnaantooda ku aadan hanaanka doorashada.

Qoraal uu soo saaray Sabtidii Madaxweyne Sall waxa uu ku sheegay in uu u faragelinayo khilaafka u dhexeeya Golaha Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee xayiraada musharraxiinta mucaaridka.

Go’aanka Madaxweynaha ayaa dhalisay xiisad cusub iyo banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay caasimada Dakar, Axadii shalay.

Urur Gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo ka walaacsan xaalada Senegal ayaa ku baaqay wadahadalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashada.

Horseed Media