Wasiirkii Hore Gaashaandhigga Kenya, Xaaji oo Nairobi Ku Geeriyoodey

Published: February 15, 2021

Rabbi ha u naxartiistee waxaa habeenkii xalay ee Isniinta ku geeriyoodey magaalada Nayroobi Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa Senator laga soo doorto Garisa.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta ugu wakhtiga dheeraa Kenya, waxaana uu la soo shaqeeyey ilaa afar Madaxweyne oo Kenya soo marey.

Dowladihii Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki ayuu ka soo noqdey wasiir, waxaana uu ahaa markii u danbeysey Wasiirkii Gaashaandhigga ee Dowalddii Kibaki.

Lixdii bilood ee u danbeysey ayuu xanuunsanaa sida uu sheegay Adam Barre Ducaale oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, una xaqiijiyey warbaahinta geerida marxuumka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *