Shabaab oo in ka badan 60 odeyaal ku xiray Galgaduud Degaano ah.

Published: September 4, 2018

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Galgaduud waxay sheegayaan in ururka Al-Shabab ay 62 odeyaal ay ku xireen deeganno ka hoostago gobolka Galgaduud.

Odeyaashan ayaa xarigooda ka damabaysay inay horay u balan qaadeen inay bixin doonaan mag lagu lahaa taas ahayd shan qof kuwaas oo ay balan qaadeen inay bixinayaan dabadeedna ay ka cagajiidaan.

Diyada loo haystay odeyaasha ayaa gaaraysa 100 neef oo geel ah islamarkaasna waxaa lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof.

Wararku waxay sheegayaan in sannadkani ay odeyaasha ka cago jiideen dhamaystirka bixinta magtaas ay horay u balan qaadeen dabadeedna aanay ku bixin xiligay qabsadeen. Qayb ka mid ah odayaasha ayaa lagu soo waramayaa in lasii daayey.

 

Horseed Medai

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *