Shabakad ka tirsan al-Shabaab oo lagu qabtey magaalada Baydhabo

Published: May 9, 2024
Shares2

Al-Shabaabkii ugu badnaa ayaa lagu qabtey magaalada Baydhabo, kuwaan oo ahaa shabakad isku xiran sida ay sheegtey hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

NISA ayaa sheegtay inay hawlgal kusoo qabatay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku sheegtay inay qaabbilsanaayeen ‘dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah’.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya, hawlgallada NISA ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

“Xubnaha lasoo qabtay ayaa u shaqeyn jirey koox koox, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku dhaw.” ayaa lagu yiri bayaan kus oo baxay warbaahinta dowladda.

Waa tiradii ugu badneyd ee kooxda al-Shabaab hal mar loogu qabto hawlal ay fulisey hay’adda NISA.

Horseed Media