Shacabka dalka Jabuuti oo codkooda ka dhiibanaya doorashada baarlamaanka

Published: February 24, 2023

Shacabka dalka Jabuuti ayaa maanta u dareeray doorashada baarlaman cusub taas oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi.

Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee talada haya ee Union for Presidential Majority (UMP), ayaa ah mid ka mid ah kaliya laba xisbi oo ka qeyb-galaya doorashada, islamarkaana ay huban tahay inuu ku guuleysan doono.

Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fadhin doona muddo shan sano ah, ayada oo sharciga uu dhigayo in 25 boqolkiiba kuraasta ay helaan haweenka.

Isu soo-baxa ayaa u muuqday mid aad u hooseeya, sida ay werisay warbaahinta gudaha.

Codbixinta ayaa daba socota doorasho madaxweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxweyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo.

Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada maanta.

Horseed Media