Shacabka dalka Ukraine oo ka cabanaya gaas & koronto la’aan, xilli uu qabow daran ka jiro dalkaasi

19 November, 2022

Shacabka dalka Ukraine ayaa ka cabanaya inaanay haysan gaaskii ay cuntada ku karsanayeen iyo weliba adeeggii…

Shacabka dalka Ukraine ayaa ka cabanaya inaanay haysan gaaskii ay cuntada ku karsanayeen iyo weliba adeeggii korontada, ee ay ugu baahida badnaayeen xilliga qaboobaha.

Qabowga ayaa sii kordhi doona billaha soo socda, waana qabowga xakameeya dhaqdhaqaaqa bulshadooyinka ku dhaqan Qaaradda Yurub, illaa iyo inta laga garayo xagaaga soo socda, markaasoo ay diirimaadka qoraxda dib u heli doonaan.

Marka laga soo taggo in dadka reer Yurub ay dhibaato badani ka tirsadaan xilliga qaboobaha, haddana waxaa sanadkan shacabka dalka Ukraine oo dagaal uu ku furan yahay u sii dheer, iyadoo uu Ruushku burburiyay xarumihii tamarta ee dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu burburiyay kaabayaashii korontada iyo warshadihii gaaska farsameynayay.

Koronto la’aanta dalkaasi ka jirta ayaa sidoo kale carqaladeysay helitaankii biyaha, tani ayaana si weyn looga dareemay magaalooyin ay ugu horreyso Caasimadda Kyiv.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa khudbaddiisii habeenlaha ku sheegay in toban milyan oo reer Ukraine ah ay hadda koronto la’aan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay, xilli dadka reer Ukraine ay dhibaatada intaasi le’eg wajahayan uu Ruushku sii wado duqaymihiisa ka dhanka ah ilaha tamarta.