Shacabka degan Dhulkii Dab-damiska & Hoggaanka Dhismaha Boliska oo lagu amray in ay ka guuraan

Published: February 1, 2024

Boliska Soomaaliya ayaa markale ku celiyey in kama danbees Arbacada soo socoto laga guuro Dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliska oo ku yaal gobolka Banaadir gaar ahaan ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano.

Afhayeenka ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Waxaa lagu heshiiyey taliska Booliska iyo dadka deegaanka dadkii ay soo dirsadeen in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo ku ekeyd maalintii uu waqtiga ka dhacay oo shaqaadadu ay dhacaysay, xilliga lagu ballamay ayaa ah in shaqaaqada halkaas ku dhammaato, dadka guryaha degan ee ku haray waxaa la gaarsiiyey in taliska ciidanka Booliska uu siiyey laba isbuuc oo kale.”

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa waxa uu ku sii daray, “Isbuuc wuu dhammaaday waxaa soo haray hal isbuuc oo ku ek maalinta Arbacada ee soo socota.”

Ugu dambeyn Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Doondishe ayaa sheegay in dadka degan dhulkaan ay dhammaatay muddadii loo qabtay ayna u hartay wax ka yar todobaad, isaga oo ka codsaday in ay ugu guuraan muddadii loo cayimaday in ay ku guuraan.