Shacabka degmada Shangaanni oo baaq deg deg ah loo diray

Published: December 21, 2019

Guddoomiyaha dagmada Shangaanni Aways Sheekh Muxamed Aamiin ayaa uqu baaqay shacabka ku dhaqan dagmada inay dib u dhis ku sameeyaan guryahooda si looga qayb qaato bilic soo celinta caasimadda.

Guddoomiye Aways ayaa sheegay in dagmada Shangaanni ay ka midtahay meelaha ugu amniga badan ee caasimadda, bulshadana ku dhaqan degmaduna looga fadhiyo inay dib u dhistaan guryahooda, isla markaana kuwa dalka dibadiisa ku maqan ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd Shangaani.

Aways Sheekh Muxamed Aamiin guddoomiyaha dagmada Shangaani oo hadalkan ka jeediyay munaasabad uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xariga kaga jarayay xarunta dhallinyarada gobolka oo laga hirgeliyay dagmada Shangaanni ayaa tilmaamay in qofkasta oo ku nool dagmada looga baahanyahay inay kaalin ka qaataan horumarinta adeegyada bulshada.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka leh guryaha ku yaala Shangaani, inay dib ugu soo laabtaan guryahooda oo ay dib u dhis ku sameystaan, maadaama dagmadu ay ka midtahay meelaha ugu amniga badan ee caasimaadda”.

ayuu yiri guddoomiyaha dagmada Shangaani Aways Sheekh Muxamad Aamiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *