Shacabka Laascaanood oo dhigay dibadbax looga soo horjeedo dilalka ka dhaca magaaladaas

Published: December 27, 2022

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dadka Shacabka ah, kaas oo ay uga soo horjeedaan dilalka qorsheysan ee ka dhacay magaaladaas.

Banaanbaxa ayaa ka yimid kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ku dileen Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo kamid ahaa waxgaradka Gobolka Sool, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday.

Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa dalbaday in laga hortago dadka dilalka u geysanaya Haldoorka Gobolka Sool.

Inta uu bannaanbaxa socday Ciidamada Booliska Somaliland ay rasaas ku kala eryeen dadkii bannaanbaxa dhigayay, iyadoo lagu soo waramo in rasaastaas ay dhalay dhaawacyo soo gaaray dadkii shacabka ahaa.

Horseed Media