Shacabka Puntland oo u dareeray doorashooyinka goloyaasha deegaanka

Published: May 25, 2023
Shares8

Markii u horeysey muddo dheer kadib, shacabka Puntland waxay u dareereen doorashooyinka goloyaasha deegaanka, taas oo ka dhacaysa ilaa 7 gobol oo kamid ah Puntland, laga soo bilaabo degmada Caaluula ilaa Hadaaftimo ilaa Saaxo ee gobolka Mudug. Doorashada waxaa ka qayb-qaadanaya dad ku dhaw 400 oo kun oo qof oo horey isu diwaan geliyey.

Doorashada waxaa ku tartamaya ilaa 7 urur urur siyaasadeed oo kala ah Kaah, Mideeye, Mustaqbal, Sincad, Runcad, Ifiye iyo Shaqaalaha, ururadu waxay ku dedaalayaan sidii ay u noqon lahaayeen Xisbi siyaasadeed 10 sano ee soo socda sida uu qabo dastuurku.

Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo laba degmo oo kale oo isla gobolka Nugaal ah ayaa doorashada ka harey, kadib markii siyaasiyiin diidan doorashada ay xoog iyo rabshado isticmaaleen, ma cadda xiliga laga qabanaayo caasimadda doorashada, tan oo shacabku u arkeen sumcad xumo loo soo jiidey caasimadda.

Goobaha codbixinta ayaa lagu wadaa in la xiro saacaddu markey tahay 6:00pm xiliga Soomaaliya, kadib waxaa bilaameysa tirinta codadka oo ka dhacaysa isla goobaha codbixintu ka dhacdey, gelinka danbe ee Jimacada ilaa Sabtida ayaa lagu wadaa in natiijada la ogaado.

Horseed Media