Shacabka UK oo u codeynaya doorashada la filayo inuu xisbiga Labour-ka ku guuleysto

Published: July 4, 2024
Shares2

Shacabka dalka Ingriiska ayaa maanta oo Khamiis ah u codeenaya doorashada Baarlamaanka oo la filayo inay ku guuleystaan xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka.

Hogaamiyaha Labour-ka Sir Keir Starmer ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono Raysalwasaaraha bedali doona Rishi Sunak oo xisbigiisa Conservatives dalkaasi kasoo talinayey 14kii sano ee lasoo dhaafay.

Shacabka UK ayaa si weyn u dhaliilaya siyaasada xisbiga garabka middig ee Conservative-ka oo sabab u noqotay hoos u dhaca dhaqaalaha, adeega caafimaadka, shaqadda iyo adeega kale ee bulshada dalkaasi. Arrintan oo ay qeyb ka ahayd go’aankii ka bixitaankii Midowga Yurub oo si baaxadleh wadankaasi u saameeyey.

Xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ka faa’iideysanaya fursada ayaa dhinaca kale la filayaa inay lumiyaan codod badan oo ah shacabka Muslimiinta oo si weyn ugu eedeeyey xisbiga mucaaridka ah ee Labourka inay si lamid ah Xisbi Xaakimka ay taageereen xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Horseed Media